Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Bini’adamnimada ee loo yaqaano OCHA ayaa warbixin ka soo saaray khasaarihi ka dhashay roobabkii dhawaan ka da’ay dalka Soomaaliya.
Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey ayaa waxaa ay ku sheegtay in roobabkii xooganaa ee maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayay gudaha dalka ay ku geeriyoodeen 25 oo kunoolaa deegaano ka tirsan dalka.
Sidoo kale Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Bini’adamnimada ee OCHA ayaa sheegay in roobabkii da’ay ay ku barakaceen 25,000 oo Qoys, kuwaasi oo deganaa deegaano hoostega Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.
Dhinaca kale Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ayaa ka digtay halista daadad xoog leh oo Soomaliya ku soo wajahan, kaddib roobab xoog leh oo laga cabsi qabo inay buux-dhaafiyay wabiyada Soomaaliya.
FAO ayaa sheegtay in Webiga Shabeelle uu buux-dhaafay, kaddib roobabkii mahiigaanka ahaa ee todobaadkii la soo dhaafay ka da’ay deegaano ka tirsan dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo deegaano kale.