Taliyaha Ciidamada AMISOM oo booqday Beydhabo iyo ujeedka

Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee (AMISOM) Diomede Ndegeya, ayaa ku ammaanay ciidamada Itoobiya  ee fadhigoodu yahay deegaanada Koonfur-galbeed sugidda amniga iyo kaalintii ay ka geysteen guud ahaan dadaallada loogu jiro xasilinta Soomaaliya.

Taliyaha ayaa booqday ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Magaalada Beydhabo,wuxuuna kala hadlay xoojinta wadashaqeynta dhinacyada AMISOM iyo sidii loo dardrgali lahaa howlgalada lagu baacsanaayo kooxaha nabad-diidka.

Gobollada Baay, Bakool, iyo Gedo, waxaa ku sugan ciidamo ka socda Difaaca Qaranka Itoobiya oo xaruntoodu tahay Magaalada Baydhabo, ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media