Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyey Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada.
Shirka Golaha Wasiirada oo uu ka qeybgalay madaxweyne ku-xigeenka, ayaa todobaadkan looga dooday dib-u-eegista xeer hoosaadka Golaha Wasiiradda Galmudug.
Dhinaca kale, wasaaradda Biyaha & Tamarta ayaa golaha la wadaagtay xeerka maareynta biyaha halka wasaaradda Beeraha laga dhageystay warbixin la xiriirta dhibaatooyinka uu ayuxu ku hayo deegaanada Galmudug.