Danjiraha Sweden u jooga Xarunta Dhexe ee QM, Ambassador Olof Skoog waxa u usheegay inay xubnaha Golaha Ammaanka QM soo dhaweeyeen War-murtiyeedkii ay Madaxweynayaasha Somalia iyo Eritrea ku sheegeen inay si wadajir ah uga wada shaqeyn doonaan Nabadda iyo Deganaanshah Gobalka.
Danjire Olof Skoog waxa uu sheegay in ay 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM yeesheen Kulan uu albaabaddui u xiraan, oo ay kaga wadatashadeen Arrimaha Somalia iyo Eritrea, wuxuuna xusay inay Golaha taageereen dadaalka Nabadda ee ka socda Geeska Afrika.
Danjiraha Sweden uga wakiilka ah QM, Ambassador Olof Skoog oo Suxufiyiinta la hadlay waxa uu carrabka ku dhuftay inay runtii wax Taariikhi ah tahay waxa ka dhacaya Geeska Afrika,ย isla markaana ay QM taageeri doonto Geeddi-socodkaas wanaagsan.
Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee QM waxay ka wada hadleen Xilli-kordhinta Hawlgalka AMISOM iyo codsiga Dowladda Ethiopia oo ku aadanaa in Eritrea laga qaado Cunaqabataynta Hubka ee ay QM ku soo rogtay dalkaasi.
Sannadkii 2009-kii ayey Golaha Ammaanka ee QM waxay cunaqabatayn dhinaca Hubka iyo Safarka ku soo rogeen Eritrea, kadib, markii lagu eedeeyey inay qeyb ka tahay Deganaansho Laโaanta ka jirta dalalka deriska la ah, inkasta oo ay Dowladda Eritrea beenisay arrintaasi.
Sannadkii 2006-dii, Dowladdii KMG ee Somalia waxay ku eedeysay Eritrea inay Ciiddan iyo Hub u soo direen Dagaalamayaasha Alshabaab oo iyagu gacanta ku haya qeybo badan oo ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.