Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ugu qaabilsan Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, Sarah Leah Whitson ayaa Baaqaasi ku sheegtay Wareysi Khaas ah oo ay siiyey Telefishinka Raashiya ee RT, waxayna sheegtay inaysan Baaritaanka ku filnayn baaritaanka ay Isbahaysiga Sacuudiga iskooda u sameeyeen.
“Waxaan doonaynaa in Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM arritan qaataan, isla markaana ay sameeyaan Baaritaan Dhexdhexaad ah†ayey tiri Sarah Leah Whitson.
Waxay sheegtay inay Hay’adda HRW shaki xooggan ka qabaan Baaritaanka ay Sacuudiga hoggaaminayaan, oo iyaga lagu eedeeyey weerarkii bishan 16-dii lagu weeraray dooni ay la socdeen Qaxooti Soomaalida meel ka baxsan Xeebaha Yemen.
Hadalkeeda ayaa soo baxay, kadib, markii ay Hay’adda HRW soo saartay Warbixin dheer oo looga hadlay Weerarka lala beegsaday Qaxootiga Soomaalida ee ku safrayey doonida.
Qaar ka mid ah Qaxootigii ka badbaaday Weerarkaasi ayaa sheegay inay arkeen Diyaarad Helikoptar oo tacshiirad ku soo furtay doonidii ay Qaxootiga la socdeen.
Warbixinta ayaa lagu xusay in Ciiddanka Isbahaysiga Sacuudiga haystaan Diyaarado ay wax ku duqeyn karaan.
Duqeyntaasi waxaa lagu dilay 42 Qaxooti ah,, waxaana lagu dhaawacay ugu yaraan 25 kale.
Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga hoggaaminayo waxaa xubno ka ah 14 Waddan oo ay ka mid yihiin dowladaha Gacanka Carbeed.
Dalkeenna Somalia waxa uu ka mid yahay Isbahaysiga Sacuudiga, balse wax ciiddan ah kuma biirin Isbahaysigaasi la dagaalamayo Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee ay Dowladda Iiraan taageerto.