Codsigaasi ayaa ku aadanaa inay QM la wareegto mas’uuliyadda Kormeerka DEkedda Xudeyda ee Galbeedka dalka Yemen.
Isbahaysiga Milliteriga Sacuudiga waxay Baaqaasi jeediyeen, kadib, weerarkii lagu dilay 42 qaxooti Somali ao oo la socotay dooni maraysay meel ka baxsan Xeebha Yemen.
Afhayeenka QM, Farxaan Xaq ayaa sheegay inaysan QM diyaar u ahayn inay Kormeerto Dekedda Xudeydah o oay Maleeshiyadda Xuutiyiinta maamulaan.
In ka badan 7,000 oo qof ayaa lagu dilay Yemen tan iyo markii ay Isbahaysiga Sacuudiga bilaabeen weerarka ay ku hayaan Maleeshiyadda Xuutiyiinta bishii March ee sannadkii 2015-kii.
©Radio Dalsan