Qaxooti Yemen Ka Yimid oo Soo Gaaray Soomaaliya

Qaxooti badan oo ka soo barakacay Colaadda Dalka Yemen ayaa soo Gaaray Waqooyga Dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaaladda Berbera Ee Maamulka Somaliland.

Tiradda Qaxootigan waxa lagu sheegay 32 ruux oo ka yimid Magaaladda Ticis Ee Dalka Yemen sida laga soo xigtay Hey’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramadda Midoobay Ee UNHCR.

Wax ka badan 12 saacadood ayay ku jireen qaxootigasi Badda si ay u soo gaaraan Magaaladda Berbera Ee Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor