Qatar oo si kulul u Cambaareysay Qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho

War ka soo baxay dowladda Qatar ayaa si kulul loogu cambaareeyey qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday dhalinyaro loo diwaan gelinayay in ay ku biiraan ciidanka DFS si loo tababaro.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Dalka Qatar ayaa muujisay sida ay uga xuntahay uagana soo horjeedo waxa ay ugu yeertay falalka argagixisanimada ah, iyadoo aan loo eegin ujeedooyin iyo sababo sida lagu yiri warka Wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Qatar.

Dowladda Qatar ayaa uga tacsiyadaysay ehelada dadkii dhibtu soo gaartay, dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, waxaana ay u rajeysay inta dhaawacan in Alle uu bogsiiyo inta dhimatayna naxriistii janno ka waraabiyo, sidaasina waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Qatar.

Maalintii shalay ayay ahayd markii  Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu dhexgalay dhalinyaro qoraneysay ciidanka xoogga dalka, waxaana halkaaso ka dhashay khasaare kala duwan dhimasho iyo dhaawacba leh.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor