Tirada kiisaska Cudurka Ebola ee dalka Uganda oo sii kordheysa

Tirada dadka looga shakisan yahay in ay qabaan cudurka Ebola ee dalka Uganda ayaa sii kordheysa.

Maamulka wuxuu sheegay in ay jiraan 34 kiis oo cusub oo laga shakisan yahay kuwaas oo aan dhammaantood weli la xaqiijin.

Cudurkan Ebola nooca Sudan strain ayaa inta uu ka dillacay Uganda lagu dhawaaqay maalinimadii Talaadada.

Dhimashadii ugu horreysay ee la xaqiijiyey waxay aheyd nin 24 jir ah oo ku waayey xubno qoyskiisa ah oo gaaraya lix qof toddobaadkii uu horreeyey ee Bishan.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ee Uganda waxay rumeysan yihiin in 21 qof ay u dhinteen feyraska Ebola.

Waxay wadaan dadaallada lagu baadi goobayo qof kasta oo la kulmay dadka looga shakiyay cudurka.

Cudurka Ebola ee ka bilowday degmada dhacda bartamaha Uganda ee Mubende ayaa wuxuu haatan ku faafay deegaannada kale ee deriska ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor