Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Qarax khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay duleedka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari wadanka Kenya.
Wararka inaga soo gaaray duleedka magaalada Gaarisa ayaa ku warramaya in Qarax miinada dhulka lagu aaso ah uu ka dhacay halkaasi, Xili la sheegay in lala-beegsaday Qaraxaasi Kolonyo gaadiid ah oo Galbinaysay Xildhibaan.
Inta la xaqiijiyay 5 Askari ayaa ku dhaawacmay Qarax, waxaana wararka aynu helnay ay sheegayaan in qaar ka mid ah Askarta ay Xaaladdoodu aad u liidato.
Xildhibaanka Qaraxa lala beegsaday ayaa magaciisa lagu sheegay Ibraahim Cabaas oo ka tirsan baarlamaanka Ijara, waxaa xiliga Qaraxa lala beegsaday kolonyadiisa uu ku sii jeeday degmada Hulugho.
Dhanka kale Saraakiisha Booliska gobolka Waqooyi Bari ayaa ka hadlay weeerarka, waxaana ay dusha ka saareen dagaalamayassha Al-Shabaab.