Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Caasimadda Turkiye ee Ankara

Shaqsi isku xiray waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay inuu Abaarihii 9:30 daqiiqo ee barqanimadii maanta oo Axad ah isku qarxiyey Afaafka hore ee Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka  Turkiye ee magaalada Ankara.

Wararka hordhaca ayaa sheegayo inay 2 Askari ku dhaawacmeen Qaraxaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Ali Yerlikaya ayaa sheegay inay Labo dabley ah mas’uul ka ahaayeen Qaraxaasi, iyadoo uu mid is-qarxiyey,  halka mid kale ay Ciiddanka Ammaanka ka takhaluseen “neutralized”.

Dhanka kale, Qaraxaasi waxa uu ku soo beegmay  saacado ka hor Furitaanka Kal-Fadhiga Barlamaanka dalkaasi. Labada Duhurnimo ayuu furmi doonaa Shirkaasi oo uu Madaxweyne Erdoğan iyo dhamaan Xildhibaanada ka soo qeyb geli doonaan.

Ciiddamo badan ayaa la soo dhigay daafaha Dhismayaasha Barlamaanka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi.

Si kastaba, ma kala cadda Kooxda ka dambaysay Is-Qarxintaasi, balse waxa uu Falkaasi ku soo beegmay iyadoo ay Milliteriga Turkish-ka Hawlgalo ka dhan ah Kooxaha Hubeysan ee PKK iyo Daacish.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor