Qaraxa oo laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa waxa uu Caawa ka dhacay dalcada taleex ee Degmada hodan ee Gobolka Banaadir,waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.
Qaraxa oo ahaa mid gaari nooca raaxada ah lagu xiray ayaa waxaa gaariga saarnaa labo askari oo ka tirsan Ciidanka dowlada Soomaaliya,sida aan Wararka ku helnay.
Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay in qaraxa loogu soo xiray Ciidamada,isla markaana uu dhaawac ka soo gaaray labadii askari ee gaariga la socday.
Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaalia ayaa gaaray goobta uu Qarax ka dhacay,waxaana halkaasi ay ka qaadeen dhaawacyada askartii qaraxa waxyeelada ay ka soo gaartay,iyaga oo mudo hakad geliyey isku-socodka dadka iyo gaadiidka walow markii dambe ay.fureen.
La soco wixii ku soo kordha insha allah.