Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi uu ka qarxay dagaal xoogan.
Dagaalkan ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan Al- shabaab,waxaana dagaalka la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.
Dadka deegaanka Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka uu yahay mid xoogan,isla markaana Magaalada ay weerar ku soo qaadeen dagaalamayaasha Al-shabaab.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka caawa ka socda Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.