Qarax Ciidamo ka tirsan dowladda lagula Eegtay duleedka Muqdisho

Wararka aan ka heleyno deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi baqanimadii Maanta qarax lagula eegtay Gaari ay ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa miino dhulka lagu aasay,waxaana lala eegtay Gaari nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen Ciidanka dowladda xili uu marayay deegaanka Ceelasha Biyaha duleedka Muqdisho.

Dad goobjoogayaal oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in qaraxa uu ahaa mid xoogan oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho oo soo gaaray Ciidankii gaarigaas la socday,waxaana intaasi xigay rasaas xoogan oo ay rideen Ciidamo kale oo joogay Nawaaxiga goobta uu falka ka dhacay.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Ciidanka qaraxa lala eegtay ay ka yimideen dhinaca Magaalada Muqdisho,isla markaana ay kusii jeedeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media