Qaramada Midoobay oo warbixin kasoo saartay dagaalka Laas Caanood

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tobannaan kun oo rayid ah oo ka barakacay  Somaliland ay ka gudbeen xadka loogu tallaabo dhinaca Itoobiya ka dib markii uu bilowday dagaalka u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad maxalli ah.

Tirada dadka ka barakacay magaalada Laas Caanood ee gaaray deegaanka Doole ee dalka Itoobiya ayaa laga yaabaa in ay gaari karto ilaa 80,000 oo qof, sida ay sheegtay hay’adda arrimaha qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Inta badan dadka halkaas u qaxay waa carruur, dumar, haween uur leh iyo hooyooyin naas nuujinaya ilmahooda. Hay’adda ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadkan ay kasoo tageen qoysaskooda.

Isbuucii lasoo dhaafay ayey Qaramada Midoobay sheegtay in dad lagu qiyaasay 1,000 qof ay maalin walba u tallaabayeen dhinaca Itoobiya tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

Arrintan ayaa sare u qaadday baahida gargaarka bani’aadannimo ee ka jirta deegaannada lagu martigeliyay dadka barakacay oo markii horeba ka mid ahaa meelaha ay saameynta ugu ba’an ku yeelatay abaarta ku dhufatay Bariga Africa, maadaama aysan di’in roobabkii xilliyada sanadka.

Intaas waxaa sii dheer in dad ka badan 180,000 oo qof la aamisan yahay iney ku barakaceen gudaha ayna daggan yihiin 66 xero qaxooti oo ku yaalla Somaliland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor