Aqalka Sare oo Ansixiyay Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiis 15-aad.

AjandahaKulanka: Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

  1. Akhrinta 3-aad iyo ansixinta Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka.

Ugu horrayn Sanatarrada Golaha oo Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa ka dhagaystay akhrinta koowaad ee sharciga Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha , ayaa gudda galay akhrinta 3-aad ee sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, waxaana dood iyo soo jeedin sharciga Sanatarrada qaar ay ka qabeen la gudagalay ansixinta, 31-Sanatar ayaa ogolaaday meelmarinta sharciga, saddex Sanatar ayaa diiday halna waa ka aamusay.

Ugu danbayn Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare uga mahad celiyay meelmarinta sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka oo meesha ka saari doona tabashooyin iyo caqabado badan oo ku xeernaa shaqada Hay’adda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor