Qalbi-dhagax oo markii ugu horreysay hadlay kadib siideyntiisii

Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Madaxda Jabhada ONLF ee dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya,isla markaana dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay dalkaas ayaa hadlay kadib siideyntiisii.

Qalbi-dhagax oo ku sugan Magaalada Adis ababa ayaa u mahad celiyey Shacabka soomaaliyeed oo uu sheegay in ay ahaayeen kuwo ka dhiidhiyey falkii Itoobiya loogu soo wareejiyey  oo ay Shaqsiyaad yar ay geysteen sida uu sheegay.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Shacabka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan ay yihiin dad mid ah oo leh hal cadaw,isla markaana ay ka guuleysan doonaan.

Waxa uu ugu baaqay shacabka soomaaliyeed ay noqdaan dad mid ah oo ka soo horjeesta in la kala goo gooyo ama la kala qobqobo,si ay uga hortagaan shirqoolo lala damacsan yahay.

Gaba gabadii waxa uu baaq nabadeed u diray qowmiyada Oromada iyo Soomaalida ee marwalba ku dagaalama deegaanada dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya.

Comments
Loading...