Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Caawa waxaa kasoo degtay diyaaradda Ethiopian Airlines oo sida qalab caafimaad oo muhiim ah.
Qalabkan Caafimaad ayaa isugu jiray qalabka dadka looga baaro Cudurka halista ee Coronavirus iyo dharka dhaqaatiirta xirtaan, waxaana Soomaaliya ugu deeqay Ganacsade lagu magacaabo Jack Ma asaasaha Shirkadaha Ali Ababa.
Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya Eng.Camay iyo Madax kale ayaa garoonka ku qaabiley Qalabka oo kamid ah deeq loo qeybiyay dalalka Afrika.
Sidoo kale Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay qalabkaan Caafimaad ee lasoo gaarsiiyay, kaasi oo ah 20,000 oo xirmo.
Si kastaba dalalka la gaarsiiyay qalabkaan Caafimaad ayaa waxaa kamid ah Itoobiya, Rwanda, Togo, Kenya, South Sudan, Nigeria, Zambabwe, Zambia Burundi iyo South Afrika.