Qalab loogu tala galay Saadasha Hawada Soomaaliya oo Muqdisho la keenay

warbaahinta dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in Maanta magaalada Muqdisho la keenay qeyb kamid ah qalab loogu talo galay saadasha hawada Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa Warbaahinta dowlada u xaqiijiyay in qalabka ay keenen uu ku wareejin doono berito Wasaarada gaadiidka ee xukuumada Soomaaliya.

Qalabkan ayaa door weyn ka qaadan doona in xukuumada Soomaaliya ay hawada dalka oo dhan ay ka maamusho magaalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor