Qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa War-saxaafadeed ka soo saaray Xaalada dowlad Goboleedka Galmudug.
Musharaxiinta kala ah Cabdiraxman Odowaa iyo Kamaal Guutaale ayaa ka digay in la abuuro xasiloonidaro ka dhacda Galmudug,taasi oo hor istaagi karta geedi socodka la doonayo in lagu dhiso Galmudug Mideysan.
Musharaxiinta ayaa Ahlusunna iyo dowlada Federaalka ugu baaqay inay dhowran Dastuurka Galmudug iyo heshiisyadii ay horey u wada galeen labada dhinac.
Ugu dambeyntii Cabdiraxman Odowaa iyo Kamaal Guutaale ayaa beesha Calamka ugu baaqay inay muujiyan Arrigtodooda ku aadan sidii loo heli lahaa hanaan loo dhan yahay, isla markaana ay daba-gal ku sameeyan heshiisyadii ay horey u wada galeen Ahlusunna iyo dowladda ee khuseeya Galmudug.
Hoos Akhriso War-saxaafadeedka.