Kulan masuuliyiinta dhinaca Amniga ee maamulka Puntland ay ku yeesheen magaalada Boosaaso ee gobalka Bari ayaa looga hadlay amniga magaalada iyo sida loo xaqiijin karo xili amaanka magaalada bilihii la soo dhaafay uusan aheyn sidii loo baahnaa.
Saraakiisha hay’adaha amniga ayaa sheegay in iyada oo laga fakarayo Amniga Boosaaso la qorsheeyay hanaan lagu sugayo amniga loona baahanyahay in ay dadku ka qeyb qaataan.
Magaalada boosaaso waxaa ka dhacay dilal qorsheysan kuwaas oo dadkii da dambeeyay qaarqaarkood ay baxsadeen inkasta oo laamaha amnigu ay sheegeen in ay ku daba jiraan.