Maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa ka warbixiyey hadal kasoo yeeray wasiirka qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan.
Wasiirka ayaa ku eedeeyey Siciid Cabdullaahi Deni, oo ah madaxweynaha maamulka Puntland, inuu yahay murashax is qarinaya.
Puntland oo ka jawabaatay arrintaasi hadal haynta dhalisay ayaa dhankeeda ku sheegtay warkani uu yahay wax kama jiraan, waxaana siyaabo kala duwan kaga hadlay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulkaasi, kuwaasi dhammaantood isku mid ah ugu jawaabay wasiirka qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan.
Afhayeenka maamulka Puntland Jaamac Dabaraani oo ka mid ah shaqsiyaadka ka jawaabay hadalka Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyey iney tahay nasiib daro in maamul gaamurey laga bixiyo sawir qaldan, isagoo tilmaamey in maamulka Puntland inuu yahay mid qaan gaar ah, oo aanan khalkhal la galin karin.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdullaahi Timacadde oo ka jawaabay hadalkii Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Mr Jamaal ayaa yiri “Annagu weli madaxweynaha afkiisa kama maqal in uu yahay musharrax, tuhunse waa jiri karaa, eedeynta Wasiir Jamaal waa iska maag uun”.