Wasaaradda Caafimaadka dowlad Gobooleedka Puntland ayaa shaacisay dad Cusub oo laga helay Cudurka halista ah ee COVID-19, iyadoo Cudurkaas uu yahay mid kasii yaraanaya dalka Soomaaliya.
Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxaa ay ku sheegtay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka ay laga baaray 116 qof, isla markaana laga helay 4 kamid ah dadkaas, kadib markii baaritaano lagu sameeyay.
Dadka laga helay Cudurka COVID-19 ayaa waxaa ay da’doodu u dhaxaysaa 3-sano jir ilaa 51 jir, waxaana saddex kamid ah dadkaas ay ku sugan yihiin Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, halka qof kalena uu joogo Magaalada Boosaaso.
Sidoo kale Warbixinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in Cudurka ay ka bogsadeen 3 qof oo kamid ahaa dad horey uu Cudurka uga dhacay, waxaana haatan xaaladooda Caafimaad ay tahay mid wanaagsan.
Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay deegaanada dowlad Goboleedka Puntland ee shaybaarku xaqiijiyey ayaa hada gaartay 403 qof, waxaa u dhintay 9 qof, iyadoona ay ka bogsadeen 207qof.