Taliska Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliya ee DANAB ayaa faah faahin ka bixiyay Ciidamadii Kumaandooska ahaa ee maalin kahor gaaray Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle.
Taliyaha guutada 16-aad Kumaandooska Xoogga Dalka Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay ciidanka Danab ay saldhigyo ka ka sameeysteen Magaalada Jowhar, ayna ugu talagaleen in lagu dardar galiyo howlgallada looga xoreynayo Al-shabaab Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.
“Ciidanka Kumaandooska waxay xarumo ku leeyihiin Juballand, Koonfurgalbeed, Galmudug, haddana Hirshabeele ayay ka sameeysteen dhowaan waxaan dalka oo dhan ay ka xoreeyn doonaan Al-Shabaab ee dhibaatada ku heysa shacabka Soomaaliyeed”. ayuu yiri Taliye Ismaaciil.
Taliyaha ayaa xusay in ciidanka Danab ay howlgallo ka fuliyeen inta u dhexeysa Jowhar iyo Muqdisho, halkaasi oo ay dhibaato ku qabaan shacabka iyo gaadiidka labada dhinac isaga kala gooshta, waxaana uu intaa ku daray inay ciidanka halkaas ay ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab.
Guud ahaan ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolada dalka ka ayaa waxa ay wadaan howlgallo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaasi oo haatan ciidanka ay ka saareen degaanno badan oo ka tirsan Soomaaliya.