Madaxtooyada Puntland ayaa kasoo horjeesatay Go’aankii Isimada Puntlnad ay ku diideen amarkii hore Maamulkaa suga soo baxay ee ahaa in Xubnaha ka socda Dowladda Federaalka aysan tegi karin Puntland inta ay doorashooyinka ka socdaan.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in hadalada kasoo baxay Isimada Puntlnad ay soo dhaweeynayaan,hayeeshee Go’aankii horay u gaareen Guddiga Amniga Maamulka Puntland uu weli sidiisii yahay oo ana waxba iska bedelin.
Puntland ayaa Go’aankaas ay deegaanadeeda uga mamnuucday Xubnaha ka socda Dowladda inta lagu jiro doorashooyinka weli ku adkey saneysa,xilli Maanta Magalada Garoowe ay ka socoto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.
Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Madaxtooyada Puntland kasoo baxay.