Wararka naga soo gaaraya Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee Maanta Maamulka Puntland uu joojiyay kulan Magaaladaas ka dhici lahaa kaas oo ay ka qeybgeli lahaayeen Wasiirka qorsheynta xukuumadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.
Kulanka ayaa ahaa mid ardayda Jaamacadaha Garowe kula hadli lahaayeen Wasiir Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Yarey iyo Cabdiqani Cabdi Jaamac oo Wasiir kasoo noqday Jubbaland, hadana ah la taliyaha Ra’iisal Wasaare Kheyre.
In kastoo laamaha amniga Puntland aysan faah faahin ka bixin sababta kulankaas loo joojiyay ayaa hadana illo xog-ogaal ah oo garoowe ku sugan waxa ay radio Dalsan u sheegeen in arrintaan ay salka ku hayso go’aankii maamulada dalka Soomaaliya ay ku hakiyeen wada shaqayntii kala dhaxaysay Dowladda Federaalka.