Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo lagu wado inuu u ambabaxo dalka Kenya

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu ka mid yahay Wafuudda Caalamiga ee lagu casuumay inay ka qeyb galaan Munaasabadda lagu caleemo-saarayo Guddoomiyaha la-doortay ee magaalladda Gariisa, Cali Qorane.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray in Wafuudda kale ee lagu casuumay Munaasabadaasi ka mid yihiin Saraakiisha Sarsare ee Hay’adda QM ka jooga Xeradda Qaxootiga ee Dhadhabaab.

Madaxa Guddiga Qabanqaabadda Munaasabadaasi oo lagu magacaabo Siyaad Osman waxa uu Suxufiyiinta u sheegay in Munaasabadaasi lagu casuumay Wafuud ka kala imaan doonta Dowladda Federalka Somalia iyo Ethiopia.

Guddoomiyaha cusub ee magaalladda Garisa, Cali Qorane waxa uu ka tirsan yahay Isbahaysiga Jubilee ee haya Talada dalkaasi,  wuxuuna xilkaasi uga guuleystay Guddoomiyihii hore ee Garissa, Nadiif Jaamac.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media