Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa maanta iskugu yeeray kulan diiradda lugu saaray sidii wax looga qaban lahaa arrimaha sicir bararka iyo kor u kaca sarifka dollarka ee ka jira Suuqyada Puntland.
Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay masโuuliyiinta Wasaaradda iyo xubno ka tirsa tirsan Wasaaradda Maaliyadda dowlad Goboleedka Puntland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda.
Dood iyo falaqayn ka dib Wasiirka Wasaaradda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa magacabay guddi dhaqaale oo kasoo tala bixiya xaaladda sarifka, iyadoo maalmaha soo socda ay wasaaradda Maaliyadda soo saari doonto siyaasaddo lugu xakameenayo arrimaha sarifka.
Sicir bararka iyo kor u kaca sarifka dollarka ayaa ka jira Suuqyada Puntland, isla markaana waxaa la sheegayaa in Maanta halka Dollar uu sarifkiisu gaaray 47,000 Shilin Soomaali ah.