Puntland oo gacanta ku dhigtay qamri la doonayay in la geliyo Magaalo

Ciidanka Booliska Maamulka Puntland ee Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay maandooriyaha qamriga oo la doonayay in si dhuumaaleysi ah lagu geliyo halkaas.

Ciidanka ayaa Saldhiga Booliska Qardho kusoo bandhigay 20 dhalo oo qamri ah iyo gaadiid nooca Soomaalida u taqaano NOHA oo lagu dhex qariyay maandooriyaha oo la doonayay in gudaha loo geliyo Qardho.

Gudoomiyaha Gobolka Karkaar ee Puntland  Saciid Maxamed Faahiye oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in laamaha amniga Gobolka ay ku raad-joogaan ragii watay qamriga oo baxsaday, kadib markii ay arkeen Ciidanka.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Saciid Maxamed in Maxkamad lasoo taagi doono dadkii lasoo qabtay, iyaga oo si sharci darro ah Magaalada Qardho u soo gelinaya qamri, wuxuuna u digay dadka ka ganacsada maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.

“Maxkamadda ayaa la gayn doonaa, wixii sharcigu qabana waa la marsiin doono, sidoo kale waxay fariin u direen dadka ka shaqeeya keenista khamrigga iyo waxyaabaha maandooriyaha” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Karkaar.

Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa marar badan oo kala duwan gacanta ku dhigay maandooriyaha qamriga iyo ragii ka ganacsanaayay, isla markaana qaarkood maxkamad lasoo taagay, halka kuwo kalena ay baxsadeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media