Ciidan ka tirsan NISA oo xiray isku socodka waddooyinka Muqdisho qaar Mushaar la’aan darteed

Ciidanka ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa NISA ayaa xirtay inta u dhexeysa  Daljirka Daahsoon ilaa Isgooyska Jubba, waxaana waddooyinka ay xirteen ay muhiim u yihiin isku socodka guud ee dadweynaha.

Qaar ka mid ah Ciidanka gadoodsan ee waddada xirtay ayaa sheegay in muddo ah aysan arkin xuquuqdii ay lahaayeen, waxaana ay sheegeen in aan wax mushaaer ah la siin.

Waxaa ay dalsan u sheegeen Ciidanku in muddo seddex bilood ah aysan waxa musdhaar ah qaadan, ayna hay’adda Nabad sugidda ku maqan tahay xuquuqdoodi, iyagoo sheegay in tababar horay ay usoo qaaten laguna soo daray Ciidan Nabad sugidda Soomaaliya.

Bishii 6aad ee aynu soo dhaafnay ayay sheegeen in la geeyay garoonka diyaaradaha Deyniile, wixii intaas ka danbeeyana aan la siin wax mushaar ah, sidoo kale waxaa ay sheegen in tiro dhowr jeer ay la hadleen mas’uuliyiinta ka sarreysa balse aysan jirin cid dhagaysatay cabashadooda, waxaana ugu danbeyntii ay go’aansadeen in ay gadood sameeyaan.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa ku howlan sidii ciidankaas loogu qancin lahaa in ay isku socodka guud furaan, dibna ay ugu laabtaan xeradii ay kasoo bexeen.

Ciidanka dowladda qaybahooda kala duwan ayaa tiro dhowr jeer ah waxaa ay sameeyeen godood noocaan oo kale, waxaana ay inta badan cabasho ka keenaan in sida dowladdu u maareyso mushaaraad kooda, inkastoo dowladda hadda jirta ay xil gooni ah iska saarto xuquuqda Ciidanka, balse mararka qaar ayay arrintaan oo kale dhacdaa.

 

 

Comments
Loading...