Dowlad Goboleedka Puntland ayaa caddeeysay mowqifkeeda ku aadan Go’aankii ay maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle uga soo horjeesteen muddo kordhintii loo sameeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Go’aankii ay qaateen Axmed Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe oo ay uga hor yimideen muddo kororsiga Farmaajo, ayna ugu baaqeen in la qabto doorasho Deg-deg ah.
Puntland ayaa sidoo kale soo dhaweysay Go’aankii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta uu ku taageeray mowqifka Galmudug iyo Hirshabeelle, waxaana Puntland ay Koonfur Galbeed u rajeysay inay mowqif ka qaadan doonto muddo kororsiga.
Sidoo kale Maamulka Puntland ayaa ku baaqay in dib loogu soo laabto wada hadaladii si heshiis looga gaaro fulinta heshiiskii 17 September 2020, loona qabto doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar oggolna ah.
Waxaa kaloo Puntland ay ugu baaqday Midowga Murashaxiinta, Siyaasiyiinta, Ururada Bulshada rayidka ah iyo dhammaan qaybaha Bulshada Soomaaliyeed in ay gacan ka geysataan illaalinta xasiloonida Dalka.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.
Puntland waxay soo dhaweynaysaa Warmurtiyeedyada ay soo saareen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Galmudug iyo Hirshabelle ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, waxaan Dowladda Koonfur Galbeed u rajaynaynaa in ay qaataan mowqifkaas la mid ah.
Puntland waxay ugu baaqeysaa dhammaan qaybaha ay quseyso in dib loogu soo laabto wada hadaladii si heshiis looga gaaro fulinta heshiiskii 17 September 2020, loona qabto doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar oggolna ah.
Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay ugu baaqeysaa Midowga Murashaxiinta, Siyaasiyiinta, Ururada Bulshada rayidka ah iyo dhammaan qaybaha Bulshada Soomaaliyeed in ay gacan ka geysataan illaalinta xasiloonida Dalka iyo sidii looga miro dhalin lahaa qabsoomidda doorasho wadar oggol ah.
Puntland waxay bogaadineysaa kaalinta Beesha Caalamka, waxayna ugu baaqeysaa wakiilada Beesha Caalamka in ay qaataan doorka diyaarinta shir lagu dhameystirayo heshiiskii 17 September si dhaqso Dalka looga hirgaliyo doorasho nabad ah, wadar oggolna ah.