War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu amray in la xiro Xafiisyada Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka uga furan deegaanada Puntland.
Puntland ayaa sheegtay in Xafiisyada ay deegaanadooda ka furteen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya aan wax wadatashi ah lagala sameeyn, isla markaana ay yihiin kuwo sharci darro ah.
Sidoo kale Puntalnd ayaa amartay in deg deg ah lagu xiro Xafiisyo degmooyin ka tirsan maamulkaas uga furan Wasiiradda Qorsheynta iyo Shaqadda iyo Shaqaallaha Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Sadiiq Xirsi Warfaa,kuwaasi oo ka soo jeeda deegaanada Puntland.
Ugu dambeyntii Maamulka Puntalnd ayaa faray Mas’uuliyiinta kala ah Wasiir Jamaal iyo Sadiiq Xirsi Warfaa in Xafiisyo kale ilaa amar dambe aysan furan deegaanada Puntland.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka.