Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareyay xariga Wariye Mukhtaar Nuux oo ka tirsan Telefishinka Horn Cable oo ay xiren ciidamada Liyuu Boolis ee hoos taga dowlada Itoobiya.
NUSOJ waxa ay sido kale dalbatay in si deg deg loo siiyo suxufigasi xuriyadiisa sida uu bartiisa Twitterka ku soo qoray xoghayaha NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu.
#NUSOJ condemns the arrest of #HCTV TV journalist Muktar Nuh in Wajale by Ethiopia’s paramilitary Liyuu police & demand his release soon
— Mohamed Moalimuu (@MOALIMUU) June 20, 2016
Suxufiga ayaa kamid ahaa 5 Suxufi oo ay Itoobiya ka ka xeysatay magaalada Wajaale ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya kadib markii loogu yeeray shir jaraa’id oo aan waxba ka jirin.
Suxufiyiinta oo markii hore la geeyay magaalada JigJiga dhamaantood xabsiga ayaa loo taxaabay balse markii dambe 4 kamid ah ayaa la sii daayay.
Ciidamada waxa ay la haren Mukhtaar Nuux oo ka tirsan telefishinka Horn Cable oo isaga laftiisa ay hawada ka saartay dowlada Itoobiya.