Taliska hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa Caawa soo Bandhigay Shabakad ay sheegeen inay qaraxyada u qaabil-saneyd Al-shabaab.
Qoraal kasoo baxay Taliska NISA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal Ciidanka amniga ka fuliyeen Muqdisho intii u dhexeeysay 26 ilaa 28 bishaan lagu soo qabtay Shabakada Qaraxyada ah iyo maadooyinka qaraxyada laga sameeyo.
Sidoo kale NISA ayaa tilmaamtay in howlgalkaan laga sameeyay Magaalada Muqdisho uu ku yimid wadashaqeyn dhexmartay shacabka iyo laamaha amniga.
“Howlgalo qorsheysan oo uu ciidanka Amnigu ka fuliyey Muqdisho 26 ilaa 28 bishaan,ย ayaa lagu soo qabtey Shabakad qaraxyada u qaabilsan AS, iyo maadooyinka qaraxyada laga sameeyo.Wada shaqaynta shacbka iyoย laamaha Amniga waa sababta keentay guushaan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA.