Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in howlgal ay ka fuliyeen Magalada Muqdisho ay kusoo qabteen Xubno ka tirsan Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.
Qoraal lagu daabacay Barta twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka uu dhacay xalay oo ku beegneed 19/11/2018 abaara 11-ka fiidnimo,isla markaana howlgalka uu u dhacay sidii loogu talo galay.
“Abaare 11-ka fiidnimo ee 19-ka November, 2018, ciidamada amniga ayaa magaalada Muqdisho kasoo qabtay xubno ISIS ah.
Howlgalkan ayaa si taxadar leh oo cidi wax kunoqon u fulay.Soo qabashada xubnahaan ayaa Dhantaalaysa dhagarta ay ISIS u maleegayeen shacabkeena.
NISA mashaacin tirada iyo Magacyada Xubnaha ay sheegeen inay qabteen ee ka tirsanaa Kooxda Daacish,waxana NISA inta badan ay sheegtaa in hwolgallada ay fuliyana kusoo qabtaan xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish.
Abaare 11-ka fiidnimo ee 19-ka November, 2018, ciidamada amniga ayaa magaalada Muqdisho kasoo qabtay xubno ISIS ah.
Howlgalkan ayaa si taxadar leh oo cidi wax kunoqon u fulay.Soo qabashada xubnahaan ayaa Dhantaalaysa dhagarta ay ISIS u maleegayeen shacabkeena.
— NISA (@HSNQ_NISA) November 20, 2018