Sawirro:-Nabadsugida Jubbaland oo soo bandhigtay Nin kasoo goostay Al-Shabaab

Taliska Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka NISA ee Maamulka Jubbaland ayaa Maanta waxa uu soo bandhigay Askari ka tirsanaa Al-shabaab oo iyaga isku soo dhiibay.

Askariga Al-shabaab ka soo goostay ee isku soo dhiibay Ciidamada NISA ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa lagu magacaabaa Cali Xasan Cabdalla,waxaana Al-shabaab ay u yaqaaneen Cali Muhaajir.

Cali Xasan Cabdalla ayaa Al-shabaab waxa uu kamid ahaa 10 sano,iyadoona loo gudbiyay Xarunta dhaqan celinta Al-Shabaab ee Magaalada Kismaayo sida lagu sheegay War ka soo baxay Taliska Ciidamada NISA ee Jubbaland.

Ciimamada Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Maamulka Jubbaland ayaa waxaa tiro dhowr jeer oo hore isugu soo dhiibay Askar badan ka tirsanaa dagaalamayaash Al-shabaab.

Dhinaca kale ma jiro ilaa iyo hadda wax war oo ka soo baxay Al-shabaab oo ay uga hadlayaan arrin ku aadan Askariga ka tirsanaa iyaga ee Maanta isku dhiibay Ciimamada  Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Jubbaland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media