Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Maodi C/salaam Khaliif ayaa la sheegay in maanta lagu qabtay dalka Jarmalka, waxaana lagu eedeeyey inuu madax u yahay Shabakad ka kooban 13 nin, kuwasi oo Tahriibyasha ka tageera inay ka soo baxaan Talyaaniga, si ay u gaaraan dalalka ku yaalla Waqooyiga Europe.
Hadal ka soo baxay Boliska Talyaaniga ayaa lagu sheegay Mukhalskaasi isagoo kaashanayo 2 Gacan-yarayaashiisa oo ku sugan magaalladda Milaan ay Tahriibayaasha Soomalida u sameeyaan Dukumentiyo Been Abuur ah iyo Tikidhda Tareendd ku soo jeeda dalalka Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Denmark iyo Norway.
Tommaso Niglio oo ah Sarkaal ka socday Boliska magaalladda Salerno ee Koonfurta Talyaaniga ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Jarmalka ee DPA inuu Khaliif madax u ahaa Koox Dembiilayaal ah, waa sida uu hadalka u dhigay.
Eedeysanaha Maodi C/salaam Khaliif ayaa la sheegay inuu ku noolaa Degmadda Karlsruche ee K/galbeed Jarmalka, halkaasi oo laga soo qabtay, kadib, markii loo jaray Warqadsda Europe ee soo qabashadda dadka la raadinayo.
Toban Eedeysane oo uu ku jiro Maodi C/salaam Khaliif iyo saaxiibadiisa u joogay magaalladda Milan ayaa la amray in lagu sii hayo Xabsiga, halka 3 kale la sheegay in lagu hayo Xabsi Guri.
Boliska Talyaaniga ayaa la sheegay inaysan weli soo dhamystiran Hawlgalka soo-qabashadda ee ay ka fulinayaan magaalladda Florence, Brescia, Bergamo, Catania iyo Bari ee dalka Talyaaniga.
Xigasho: EBL News
©Radio Dalsan