Boliska dalkaasi ayaa sheegay in Ninkaasi uu u geeriyooday dhaawcyo ay dhowr malmood ka hor u geysteen dadka Lo’da caabuda, ee ku nool Degmadda Behror ee Gobalka Rajasthan ee Galbeedka dalkaasi.
Marxuumka la dilay oo la oran jirey Pehlu Khaan ayaa shalay u geeriyooday jir-dil ay kooxo Hinduuus ah u geysteen isaga iyo 14-nin oo kale oo Muslimiin ah maalintii Sabtida ee la soo dhaafay.
Sababaha loo dilay Marxuumkaasi ayaa la sheegay inay ahayd inay isaga iyo ragga kale  Lo’ ka  soo iibsadeen Carwo lagu soo bandhigo Lo’da.
Qowmiyadda Hinduuska oo 80% ka ah tirada guud ee dadka ku nool dalkaasi ayaa rumeysan in Lo’da u tahay wax la caabudo.
Inta badan Goballadda Hindiya waxa laga mamnuucay in Lo’da la qalo ama la iibiyo Hilibkooda.
©Radio Dalsan