Booliska Maraykanka ee US Capitol Police ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Nin ka soo jeeda Gobalka California oo tiro Mindiyo iyo Maqaro ku dhex watay gaarigiisa oo uu dhigay meel ku dhow Xarumaha Dhexe ee Guddiga The Democratic National Committee (DNC) ee magaallada Washington DC.
Eedeysanaha ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Donald Craighead oo 44 jir ah, kana soo jeeda magaalladda Oceanside ee Gobalka California waxaa loo xiray sababo la xiriirta inuu haystay Hub sharci-daro ah.
Eedeysanaha oo ka soo jeeda Degmadda Oceanside ee Gobalka California  ayaa waxaa uu watay Gaari dusha furan oo noociisu ahaa Dodge Dakota pickup truck.
Boliska ayaa waxaa ay tuhunsan yihiin in Ninkaasi ka tirsan yahay Kooxda rumeysan Sarraynta Dadka Caddaanka ee Cusuriga a uu qorsheynayey inuu geysto Weerar.