Nin kamid ahaa ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada BFS oo lagu dilay Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo hubeysan oo dhowr iyo toban daqiiqo kahor gudaha degmada Warta-nabadda ee Gobolkaan Banaadir ku dilay mid kamid ah ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka FS.

Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in rag hubeysan oo watay Bastoolad ay toogasho ku dileen Ninka, xilli uu joogay qeyb kamid ah degmada Warta-nabadda, isla markaana waxaa uu Ninkaas u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

Ninka kamid ka ahaa ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada ee la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Caraaye Maalin, waxaana la sheegay in xilligii la dilayey uu watay qori, waxaana durbadii goobta ka cararay kooxihii ka danbeeyay falkaas.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in marxuum Cabdi Caraaye Maalin uu kamid ahaa ergadii Galmudug kusoo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Ciidanka ammaanka ayaa  goobta ka qaaday Meydka.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa horey dilal qorsheysan loogu geystay ergooyin soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka, Nabaddoono iyo mas’uuliyiin u shaqeyn jiray dowladda, Al-shabaabna ayaa sheegatay mas’uuliyada dilalkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor