Dowladda Federaalka oo Maanta soo saartay Digniin adag oo ku socota Ganacsatada

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay Digniin ku socota Ganacsatada, iyagoona uga digay inay taageero lacag siiyaan dagaalamayaasha Al-shabaab, sida uu waraahinta u sheegay Wasiirka Ganacsiga.

Wasiir Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in laga bilaabo maanta ganacsidihii Al-shabaab taageero ama siiyo lacag ay dowladda Soomaaliya la wareegi doonto hantidiisa sidoo kalane loola dagaalami doono.

Wasiir Jabriil ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan Maraakiib la shaqeysa oo u sheega hantida ay wadaan iyo cadadka hantidaas ka hor inta aysan Soomaaliya soo gaarin, waxa uuna dalbaday in Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda uu arrintaas wax ka qabto.

“3 illaa 4 Shirkadood ayaa jira oo macluumaadka ganacsiga Dekadda kasoo daga siiya Al-shabaab Wasaaradda Dakaduhu wa inay Shatiga kala laabataa, sidoo Kale Nootaayooyinka Muqdisho waxay toos ula shaqeeyaan Al-shabaab” ayuu yiri Wasiirka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor