• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, July 15, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku diray Nin hubka u iib geyn jiray Al-shabaab

Bilan Media by Bilan Media
May 8, 2019
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Cadow Cabdulle Axmed (Carab) ayaa loo heystaa u daabulidda hubka iyo rasaasta nuucyadooda kala duwan  Alshabaab, Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku dhigay, wixii xilligaasi ka dambeeyay Hey’adaha baarista ayaa ka fushaday howlahooda baarista iyadoo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side loo soo gacan geliyay 17-ka bishii April ee Sanadkan xilligaasi oo sidoo kale Xafiiska Garsoorka Ciidamada weydiisteen in loo gudbiyo Eedeysanaha Xabsiga Dhexe Gar-sug ahaan.

Dhowr Cisha kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta  Ciidamada Qalabka Side ayaa codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda.

30-kii April ee Sanadkan ayay Maxkamadda Ciidamada ballamisay dhageysiga Dacwadda, waxaana xilligaasi looga yeeray fadhiga Maxkamadda dhinacyada ay qoseyso.

Xafiiska Xeer Ilaalinta oo kaa shanayay Hey’adaha baarista ayaa fadhiga Maxkamadda kusoo bandhigay Eedeysanahan  Lix iyo Sodon jirka ah, waxa ay Maxkamadda wax ka weydiisay jiritaanka kamid ahaanshiyihiisa Alshabaab iyo U daabulidda Hubka iyo Rasaasta ee uu kaga daabuli jiray Suuqyada  Qarsoodiga ah ee Hubka lagu iibiyo.

Si cad ayuu fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in uu u furnaa suuq uu ku iibiyo Hubka oo cid kasta oo daneysa Hubka uu ka iibin jiray laakiin arrinta la yaabka leh  ayaa ahayd in uu safarro ku bixiyay si’uu Alshabaab ugu geeyo Nuucyada Rasaasta iyo Hubka.

Kuunya Barrow, Toorotoorow iyo Mubaarag ayuu geyn  jiray hubka isaga oo ku kala wareejin jiray shaqsiyaad Alshabaab u qaabilsanaa Keydinta Hubka sida uu garsoorka ka hor caddeeyay Cadow.

Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa fadhiga Maxkamadda ka sheegay in eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) uusan ahayn dhallinyaro la marin habaabiyay balse uu go’aansaday in uu  hanti ka sameeyo dhiigga Umadda, waxa uu garsoorka u sheegay in Eedeysanaha uu ku qanacsanaa shaqada Alshabaab uu u hayay.

“Dadaal iyo Juhdi ayuu ku bixiyay si’uu Alshabaab ugu geeyo goobaha ay ku dhuumaaleysteen hubka iyo Rasaasta, waxa uu isticmaalay farsamo kasto uu Alshabaab ugu geeyo Hubka “ ayuu Hadalkiisa sii raaciyay  ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida,  garsoorka Maxkamadda ayuu weydiistay isaga iyo kuwa lamidka ah in la marsiiyo ciqaab u dhiganta qodobada sharciga ah oo ay ku soo eedeeyeen.

Qareenada Eedeysanaha ayaa ku dooday in aysan jirin sharci guud oo dowladda dajisay kaasi oo diidaya inaan hub la iibin Karin sidaas darteed uu xaq u leeyahay eedeysanaha in uu ka shaqeysto wixii uu ka dhex arko danihiisa, waxa ay Maxkamada ka codsadeen in la siiyo xurriyadiisa inta dowladda go’aan guud ay kasoo saareyso.

Todobaad kadib Maanta ayay Maxkamadda kasoo saartay go’aan eedeysanaha, waxaana Eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab)   lagu xukumay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa ka  digtay iibinta hubka Qarsoodiga ah (Cir-toogte), waxa ayna Maxkamadda fartay hey’adaha Ammaanka in ay baaris iyo daba gal ku sameeyeen Shqsiyaadka ka ganacsada Hubka.

Eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) ayaa heysta fursad uu ku dalban karo rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Previous Post

Faah faahin:-Darawal Mooto Bajaaj oo lagu dilay Muqdisho

Next Post

Toogasho sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday Dugsi ku yaalla Maraykanka

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil
Warar

DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil

July 15, 2025
Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya
Caalamka

Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya

July 15, 2025
Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia
Warar

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Buuraleyda Bari, laguna dilay maleeshiyaad ka tirsan Daacish

July 15, 2025
Askari Madaxtooyada ka tirsan oo loo xiray jirdil uu u geystay gabar Soomaaliyeed
Warar

Askari Madaxtooyada ka tirsan oo loo xiray jirdil uu u geystay gabar Soomaaliyeed

July 15, 2025
Kuuriyada Waqooyi oo ku hanjabtay dagaal toos ah, iyadoo Ruushku uga digay Mareykanka hurinta xiisad cusub
Caalamka

Kuuriyada Waqooyi oo ku hanjabtay dagaal toos ah, iyadoo Ruushku uga digay Mareykanka hurinta xiisad cusub

July 15, 2025
Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay
Warar

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay

July 14, 2025
Next Post

Toogasho sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday Dugsi ku yaalla Maraykanka

Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions

Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions

by Liban
July 15, 2025
0

Garowe | In a dramatic political shake-up, the Puntland House of Representatives has officially stripped MP Abdirashid Yusuf Jibril of his parliamentary...

“Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit

“Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit

by Liban
July 15, 2025
0

In the heart of Somalia’s capital today, a handshake between two leaders spoke volumes. Mogadishu’s Mayor, Dr. Hassan Mohamed Hussein “Muungaab”,...

DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil

DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah xilka uga qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil, oo haatan ku sugan...

Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya

Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax miino lala beegsaday kolonyo...

Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions
English News

Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit
English News

“Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil
Warar

DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya
Caalamka

Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia
Warar

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Buuraleyda Bari, laguna dilay maleeshiyaad ka tirsan Daacish

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Askari Madaxtooyada ka tirsan oo loo xiray jirdil uu u geystay gabar Soomaaliyeed
Warar

Askari Madaxtooyada ka tirsan oo loo xiray jirdil uu u geystay gabar Soomaaliyeed

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions
  • “Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit
  • DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil
  • Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00