Nin British ah oo horey looga sii daayey Xabsiga Guwatanamo Bay oo isku qarxiyey dalka Iraq.

Warbaahinta dalka Britain ayaa sheegtay in ninkii isbuucii hore isku qarxiyey Saldhigga Milliteri oo ku yaalla magaalladda Mosul ee Waqooyiga dalka Iraq inuu ahaa Muwaadin Britain oo Xabsiga Guwatanamo Bay laga soo daayey sannadkii 2004-tii.

Dowladda Britain ayaa dadaal u gashay sidii loo sii dayn lahaa ninkaasi is-qarxiyey oo la oran jirey Abu Zakariya Al-Britani.

Idaacadda BBC-da ayaa sheegtay in Ninkaasi oo 50-jir ahaa horey loo oran jiray Ronald Fidler.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media