Ciidamada ammaanka ayaa magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug waxa ay ku qabteen nin todobaadkii lasoo dhaafay dil wadareed ka geystay duleedka magaalada Muqdisho.
Ninkaan oo lagu magacaabo Aweys Cismaan Cabdi ayaa ayaa duleedka magaalada Muqdisho ku dilay 5-qof oo qoys ahaa isaga oo dhaawac u geystay tiro intaas ka badan kadibna baxsaday.
Taliyaha qeybta booliiska gobolka Mudug gaashaanle dhexe Qaasim Shirdoon Cali oo goobjoog ka ahaa goobta lagusoo bandhigayay eedeysane Aweys Cismaan Cabdi ayaa sheegay in ay haayeen xogtiisa isla markaana caddaaladda la hor keeni doono qof kasta oo gasha dembiyo kuwaan la mid ah.
Dhinaca kalana guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye isna la hadlay Warbaahinta ayaa ku ammaanay ciidamada shaqada adag ee Bulshada ay u hayaan geesta kalana waxa uu ku baaqay in amniga laga wada shaqeeyo