Kooxo hubeysan ayaa Goordhow Gudaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay Nabadoon Caan ka ahaa halkaas.
Dilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafadda 21-ka Octoober ee Degmada Afgooye, isla markaana waxaa Nabadoonka u geystay rag dhalinyaro oo watay Bastoolado, iyagoo dhowr rasaas uga dhuftay qeybaha Sare ee Jirkiisa.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Allaha u naxariistee Ibraahim Maxamed Ibraahim,isagoona ahaa Nin Caan ka ah degmadaas.
Kooxihii ka dambeeyay falkaas ayaa goobta si deg deg ah ugu baxsaday Mooto nooca Soomaalida u taqaano laba lugaaleyda.
Dilka kadib ayaa goobta waxaa gaaray qaar kamid ah Ehelada Marxuumka iyo Ciidamo ka tirsan maamulka Degmada Afgooye,iyagoo halkaas kasoo qaaday Meydka Nabadoonka.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa waxaa u sheegeen in Xaafadda 21-ka Octoober ee Degmada Afgooye Caawa uu ka socdo howlgalo kala duwan oo ay sameeynayan Ciidanka dowladda Federaalka.
Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal qorsheysan,waxaana Nabadoon Ibraahim la sheegay inuu kamid ahaa Odayaasha fara ku tiriska ah ee ku haray degmadaas.