MW Xasan Sheekh oo fursado u Bandhigay Hoggaanka Rugta Ganacsiga Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo kala duwan la yeeshay hoggaanka Rugta Ganacsiga Qatar iyo Ururka Ganacsatada Qatar ayaa u soo bandhigay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta fursadaha maalgashiga.

Madaxweynaha ayaa ganacatada dalka Qatar waxa uu u iftiimiyey fursadaha maalgashiga ee ka jira dalka, kheyraadka dihan ee ka faa’iideysigoodu uu fursadda u yahay shacabka Soomaaliyeed iyo malgashadeyaasha caalamiga ah.

“Soomaaliya waa dal hodon ah dhanka khayraadka, waxaan leenahay dhul-beeraadkii, baddii iyo barrigii oo dihan. In la maalgashado waxaa hortaagnaa argagixisada dhiigmiiratada ah, iyagana hadda waa ka xoreynaynaa taako kasta oo ka mid ah dalkayaga.”

Dhankooda, Hal-abuureyaasha ganacsi iyo maalgashadeyaasha waaweyn ee dalka Qatar ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud xogtan dhammeystiran ee ku dhiirri gelinaysa in ay hantidooda geliyaan Soomaaliya, iyagoo bogaadiyey guulaha dowladnimada ee ay gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor