Muxuu Madaxweyne Guudlaawe kala hadlay Safiirka Midowga Yurub uu la kulmay?

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Tiina Intelmann.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladaha guud ee Hirshabeelle gaar ahaan Arrimaha  Amniga, Howlgalada lagula dagaalamayo Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Hirshabeelle, Fatahaadaha iyo sidii gurmad loogu sameyn  lahaa dadka ay saameeyeen fatahaada, kor u qaadida mashaariicda horumarinta, iyo dardargalinta howlaha hortabinta u leh dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha oo kulankaan ku wehlinayay Wasiirka  Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Saadaq Salaad Warsame ayaa Danjire Tiina Intelmann uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii Hirshabeelle ay uga taageeri lahaayeen mashaariicyada horumarinta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor