• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 10, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

MW Xasan Sheekh “Kalsoonida aan ku qabno Jabuuti, ma jirto meel kale oo aan ku qabno”

Dalsan Editor by Dalsan Editor
July 17, 2022
in Warar, Wararka Idaacadda
Reading Time: 3 mins read
A A
MW Xasan Sheekh “Kalsoonida aan ku qabno Jabuuti, ma jirto meel kale oo aan ku qabno”
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo si wadajir ah u qabtay shir jaraa’id ayaa si qotodheer uga hadlay ahmiyadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinnimo ee ka dhexeeya labada dal.

Labada Madaxweyne oo yeeshay kulan ay ku lafagureen adkaynta danaha ay wadaagan labada dowladood iyo xal u helidda caqabadaha ka jira gobolka ayaa xusay in ay iska kaashan doonaan xoojinta amniga, wax-wada-qabsiga, is-dhexgalka dhaqaalaha iyo in si wadajir ah looga faa’iideysto fursadaha ka jira gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda.

“Maanta caalamka lama kala maarmo, sidaas awgeed Soomaaliya iyo Jabuuti waxa ay ku wada yaallaan Geeska Afrika oo fursado badan, duruufo iyo caqabado isku sidkan ay ka jiraan. Maaddaama gobolku uu istaraatiji iyo muhiim u yahay adduunka kale, waa in aan si wadajir ah uga tashannaa sidii aan wax ula wadaagi lahayn dalalka kale ee dariska nala ah, annagoo ka faa’iideysanayna khayraadka iyo dadkeenna firfircoon ee ka tilmaaman caalamka.”

Madaxweyen Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Jabuuti ay wadaagan taariikh, dhaqan, diin iyo dhiig, taas oo ka tarjumaysa garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Jabuuti ay u muujiyeen dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda iskaashiga gobolku u leeyahay labada shacab.

“Waxa ka dhexeeya Jabuuti iyo Soomaaliya waa wax aan biri goyn, biyana aysan mayrin, cilaaqaadkaas walaaltinnimo ee ka dhexeeyana rukunnada aasaasiga u ah ee uu ku taagan yahay waa in la isku huro nafta, maalka, xoogga iyo caqligaba. Kalsoonida buuxda ee aan ku qabno shacabka iyo dowladda Jabuuti, ma jirto meel kale oo aan ku qabno, taas ayaa keentay in aan mar kasta halkan talo iyo khibrad u soo raadsanno.”

Dhankiisa, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyey walaalkiis Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud  iyo wafdigiisa booqashada rasmiga ah ee ay ku yimaaddeen dalka Jabuuti, isagoo tilmaamay in socdaalka Madaxweynuhu uu bud-dhig u yahay xoojinta xiriirka soo-jireenka ah ee labada dal.

Previous Post

Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Jowhar

Next Post

Madaxweyne Saciid Deni oo Amray in lasoo qabto dadkii ka dambeeyay dilkii Cilmi Cali

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
Warar

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

July 9, 2025
Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
Warar

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

July 9, 2025
Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya
Warar

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

July 9, 2025
Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho
Warar

Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

July 9, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed

July 9, 2025
SOMWA & FESOJ oo Qabtay Aqoon-is-weydaarsi :Xorriyadda Saxaafadda & Badbaadada Suxufiyiinta
Warar

SOMWA & FESOJ oo Qabtay Aqoon-is-weydaarsi :Xorriyadda Saxaafadda & Badbaadada Suxufiyiinta

July 9, 2025
Next Post
Madaxweyne Saciid Deni oo Amray in lasoo qabto dadkii ka dambeeyay dilkii Cilmi Cali

Madaxweyne Saciid Deni oo Amray in lasoo qabto dadkii ka dambeeyay dilkii Cilmi Cali

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

by Ilhaan
July 9, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika, isagoo...

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

by Ilhaan
July 9, 2025
0

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan  Muuse Salaad Wehliye ayaa madax ka socotay dowlad deegaanka Soomaalida kala wareegay Saanad ciidan oo loogu tala...

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

by Ilhaan
July 9, 2025
0

Madaxweynaha dalka Comoros Mudane Azali Assoumani, ayaa warqadaha Aqoonsiga ah ka gudoomey Safiirka JFS ufadhiya Tanzania iyo EAC, oo sidoo...

President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

by Liban
July 9, 2025
0

The President of the Union of the Comoros, H.E. Azali Assoumani, has officially received the credentials of the Ambassador of...

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
Warar

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
Warar

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya
Warar

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC
English News

President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
SOMWA, FESOJ Hold Workshop on Press Freedom and Journalist Protection in Somalia
English News

SOMWA, FESOJ Hold Workshop on Press Freedom and Journalist Protection in Somalia

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho
Warar

Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
  • Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
  • Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya
  • President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00