Madaxweyne Saciid Deni oo Amray in lasoo qabto dadkii ka dambeeyay dilkii Cilmi Cali

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyey geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Cilmi Cali Guuleed oo ahaa Madaxa Xafiiska Baasaboorada degmada Gaalkacayo hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda laanta 6-aad ee Puntland.

Marxuum Cilmi Cali Guuleed ayaa waxa uu ahaa Masuul Dalka usoo shaqeeyey, isagoo soo qabtay masuuliyado kala duwun oo uu ka mid yahay Wasiir Ku-xigeen, kuwaasi oo uu ugu adeegey dalkiisa iyo dadkiisa.

Marxuumka ayaa u geeriyoodey dhaawac ay gaarsiiyeen kooxo hubeysan, isagoona Madaxweynuhu faray laamaha amniga in ay sida ugu dhakhsaha badan talaabo uga qaadaan dadkii ka dambeeyay dilka, cid kasta oo ku lugyeelata dilka marxuumkana sharciga horkeenaan.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Denia ayaa waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo shacabka Soomaaliyeed, kan Puntland, bulshada gobolka Mudug, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo awlaaddii uu ka baxay.

Cilmi Cali Guuleed oo ahaa Madaxdii hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray dabley hubeysan oo rasaas xoogan ku furtay.

About Webmaster

View all posts by Webmaster