MW Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Geelle oo iska waraystay xaaladda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka Jabuuti kaga qeyb-galaya Meertada 41-aad ee Urur-goboleedka IGAD ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo marti-gelinaya shirkan.

Labada Madaxweyne ayaa iska waraystay xaaladda gobolka, xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti iyo iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada shacab oo ay ugu horreyaan  arimaha amniga iyo nabadda gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa magaalada Jabuuti uga qeyb galaya Meertada 41-aad ee Urur-goboleedka IGAD.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagi doona Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan xoojinta iskaashiga, wax wada-qabsiga iyo guulaha dowladda ka gaartay dagaalka Al Shabaab, qaadista cunaqabateynta hubka iyo arrimo kale.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamiyo ayaa wada dedaalo badan ay ku dooneyso in Al Shabaab dalka ka saarto, si ciidamada qalabka sida si buuxda ula wareegaan ammaanka guud ee dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor